Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Puntland oo si rasmiya loogu wareejiyay Amniga Xarunta Baarlamanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo ka tirsan Booliiska Puntland, ayaa si ramsiya looga wareejiyay Amniga Xarunta Baarlamanka Puntland ee magaalada Garoowe, kadib markii xildhibaannada qaarkood ay cabasho ka muujiyeen ciidamo hore u joogay Xarunta.

Xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland oo muran kala dhexeeyo Guddoomiyaha Baarlamanka, ayaa maalin ka hor cabasho ka muujiyay Ciidanka Ilaalada xarunta Baarlamanka, kuwaas oo sida ay sheegeen u adeega Guddoomiye Cabdirashiid oo keliya.

Waxay sidoo kale Guddoomiyaha ku eedeeyeen, in uu Ciidankaas u isticmaalo cabburinta xildhibaannada isaga ka horjeeda, islamarkaana uu af-duub ahaan u haysto Xarunta Baarlamanka, waxaana ay wakhtigaas dalbadeen in xarunta lagu wareejiyo Ciidamo Booliis ah.

Dhinaca kale, waxa socda dadaal lagu dhex-dhexaadinayo Guddoomiyaha Baarlamanka iyo xildhibaannada muranku kala dhexeeyo, kuwaas oo ku hanjabay in ay mooshin ka keeni doonaan, si xilka looga qaado.

PUNTLAND POST

The post Booliiska Puntland oo si rasmiya loogu wareejiyay Amniga Xarunta Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this