Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada dowladda oo Muqdisho ku toogtay nin qarax aasayay

Recommended Posts

Deeq A.   
one.jpg?resize=715%2C741&ssl=1

Laamaha Amniga dowladda Soomaaliya, ayaa xalay degmada wardhiigley ee magaalada Muqdisho ku toogtay nin doonayay in uu qarax miino ku aaso xaafad ka tirsan degmadaas.

Ciidamada Amnigu waxay degmada Wardhiigley, gaar ahaanna xaafadda Horseed ku toogteen nin ka tirsanaa Al-shabaab, kaas oo doonayay in uu qarax miino ku aaso xaafadda, sida laga soo xigtay Booliiska.

Guddoomiyaha degmada Wardhiigley Saynab Xaabsey, ayaa sidoo kale xaqiijisay in Ciidanku ka war heleen shirqoolka uu maleegayay ninka la toogtay islamarkaasna ay waajibkooda ka guteen.

Ninka la toogtay ayaa maydkiisa lagu soo bandhigay xaafadda Horseed ee degmada wardhiigley, halkaas oo Ciidamadu ku toogteen xilliga uu doonayay in uu aaso miinada.

PUNTLAND POST

The post Ciidamada dowladda oo Muqdisho ku toogtay nin qarax aasayay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this