Sign in to follow this  
Deeq A.

Fadeexad weyn:Nuxurka Qodobadii Ugu muhiimsanaa Khudbadii xasaasiga ahayd ee Abiy Axmed ka Horjeediyay Golaha Shacabka Itoobiya+Arimaha Midnimada Somalia & Itoobiya.

Recommended Posts

Deeq A.   

 

abiy-ahmed.jpe

Nuxurka Qodobadii Ugu muhiimsanaa Khudbadii Abiy Axmed ka Horjeediyay Golaha Wakiilada Shacabka Itoobiya+Arimaha Midnimada Somalia & Itoobiya.

abiy.jpg

1. dhamaan Goobaha Taliska Ee Ciidanka Itoobiya Taliyayaasha Iyo kuxigeenaduba waxay ahaayeen Tigray.

2. Dhamaan Taliyayaasha Ciidanka Hubka Cul culus waxay ahaayeen Tigray.

3. Dhamaan Darajooyinka laga soo bilaabo Birgeed Generaal ilaa darajooyinka Dhexe waxay ahaayeen Tigray.

4. Datuurku wuxuu Nagu qasbayaa dhisida ciidan Muuqaalka Itoobiya katurjumaya.

5. Shacabka Walayta iyo Sidaama Dad Isdila maha Waa dad Nabada jecel Arrinta isdilka waxaa kashaqaynaya waa falaagada TPLF.

6. Dhamaan Degaanada Dalka waxaa kadhaca Isku dhacyo laakiin Degaanka Tigrayga Arrintaasi kama Jirto,madaama iyagu ay ahaayeen Dab huriyayaasha,dad way dhinteen laakiin siday doonayeen umay noqon,dad way barakaceen laakiin siday doonayeen umay noqon.

7. Labadii sano iyo badhkii Udanbeeyay Deegaanka Oramaiya oo kaliya waxay kahuriyeen 37 isku dhacyo si ay kala shaki Gudaha ah u abuuraan lakiin waxay iska dhigayeen kuwo udamqanaya shacabka Oramiya ,Dhanka kale deegaanka Axmaarada waxay ka abuureen 23 isku dhac oo qaarkood ay diimo ku salaysnaayeen.

8. Si uuna Degaanka Amxaaradu Nabad unoqon waxay soo abaabuleen Arrinta qimanti iyo Amxaarada si ay isku dhacyo udhacaan.

9. Degaanka Binishaan Gul waxay ka Abaabuleen 15 isku dhacyo,dhanka kale Addis Ababa waxay ka abuureern 14 isku dhacyo.

10. waxay kudadaaleen Dilkii fanaankii hachaalu in ay kadhigaan Arrin udhaxaysa Oromada iyo amxaarada.

11. Degaanka Ganbeela iyo xeryaha qoxootiga Ee Degaankaasi waxay ka abaabuleen 7 isku dhacyo,sidaa si lamida Degaanka Shucuubta.

12. Shacabka Degaanka Tigray Waxay ku abuureen wal wal iyo cabsi iyagoo dhahay waxaa idin soo weerara amxaarada,waxaa idin soo weeraraya dawlada fadaraalka iyo Eritariya.

13. Isbadalka ka hore Wasaarada Gashaan Dhiga 80% boosaska Darajooyinka sare waxaa haystay waxay ahaayeen dhamaantood dad udhashay Deegaanka Tigray.

Wararka Qaar ayaa sheegaya in khudbadii maanta uu ka sheegay in derisnimada Soomaaliya iyo Itoobiya lagu rajo weyn yahay in aad loo sii waafajiyo,xilli Itoobiya dooneyso in labada dal la mideeyo dhul iyo shacab intuba.

Siduu u dhigay Hadalka oo faahfaasan:

“Markaan xilka raysal wasaare qabtay waxaan noqday maxbuus qol ugu jira laamaha Sirdoonka dalka . Madaxtooyada dalka dhawr kii bilood ee uboraysay ee aan deegenaa xaalada aan ku sugnaa lama qiyaasi karo. Waxaan ahaa qof Amnigiisu sugnayn oo dhimasho diyaar ah. Tusaale waxaa la diiday dhawr qof oo ila socotay oo ilaaladayda gaarka ahayd in ay xafiiskayga ama qolka aan deganahay Amnigiisa sugaan, Waxaa madaxtooyada gacanta ku hayay laamaha Amniga oo ah kuwa isku wada xidhan aniguna qof cusub oo meesha soo galay oo kale ayaan noqday. Waxaan ka fikiray haday wax dhacaan meeshaan ka baxsan lahaa , sidaa awgeed maalin ayaan dhahay gibiga madaxtooyada aan soo dhex wareego oo aan soo wada arko , waxay idhaheen Maya waa halis ciidanka madaxtooyada ilaaliya in ay qaar ku khaatijiyaan ayaa dhici karta , Sirdoonka ninkii haystay wuxuu isawirayay in aan marwalba halis ku jiro meesha kaliya ee aan ku badnaadi karana tahay in aan qolka iyo xafiiska udheexeeyo.”

Mudo ayaan maxbuus noocaa ah ahaa ,Xataa xafiiska shaqada aan qabanayo maadaamay shaqaaluhu wada ahaayeen kuwa ay sirdoonku keensadeen wax sir ah ma jirin go,aanka aan qadanayo wuxuu ahaa wax suuqa yaala maadamay kooxihii TPLF gacanta ku hayeen sirdoonka madaxtooyada maamulayay . Xataa ubadkaygii ayaa ucabsaday oo aan qurbihii ku Celiyay markaan dareemay in uusan Amnigoodu sugnayn, anigu habeen walba dhimasho waan ku tala gali jiray.

Kadib raysal wasaare ku xigeenka ayaan tashanay waxaan isla qaadanY in aan xaaladan lagusii jirin karin oo isku shaandhayn loo baahanyahay dhanka laamaha Amniga si isbadal dalka looga hirgaliyo.

Sirdoonku markay maqleen in aan isbadal samaynayno, waxay madaxdii sirdoonku boobeen hantidii dalka waayo ayaga kaliya ayaa ogaa gudaha dalka iyo qalab ka yaalay xafiiska sirdoonka,
Wax walba way rarteen inta aan ognahay waxaa ka badan inta aanan ogayn.

Kadib waxaan usoo jeesanay dhanka ciidanka qaranka oo qaybihiisa kala duwan 80% tigreegu gacanta ku hayeen
Janaraalo, janaraal kuxigeeno ,koroneel, koroneel ku xigeeno,shiihale
Daraja kaste waxaa ku qornaa qof tigree ah ‘
Dhibka ugu weyni wuxuu ahaa sidii waxaaasoo dhan loo badali lahaa .

Safarkaygii iigu horeeyey waxaan go,aansaday in aan deegaanka soomaalida tago Lkn sirdoonku waxay idhaheen Waa lagu dili oo Alshabaab ayaa joogta ee ha tagin, Waxaan dhahay kuwa idalaya cadayn ma haysaan in ay halkaa joogaan, Haday jawaabtu Haa tahay Dee waa shaqadiiniiye soo qabta kuwaas , hadiise aad cadayn hayn, Shaqadayda ha iga horjoogsanina, Kadib sidii ayaa jigjiga ku tagay.
Sababta aan utagay waxay ahayd waxaan ogaa in la rabay in somalidu goostaan kadibna tigreegu goosto abaabulka koobaadna soomaalida laga dhigay kadibna dalkuba kala yaaco, Si aan ufashilino Ayaan jigjiga utagay shacabkana ulasoo kulmay.

Kadib markaan isbadalka iyo isku shaandhaynta bilawnay waxay iskugu tageen Maqale halkaas ayayna qorshe qas iyo rabshad joogta ah ka wadeeen , Waxay sameeyeen 113 dhibaato intaan xilka hayay Mar ay meel qarxiyaan, mar deegaanada shacbka isku diraan, mar qowmiyada afka isku galiyaan ,iyagoo lacag iyo kooxo udaacad ah adeegsana.

Bal ufiirso deegaanka axmaaradu wuxuu xad laleeyahay Oromada, waad aragteen Oromada iyo axmaarada meelaha xadka ah waa la isku diray. Dhanka axmaarada iyo banishaangul waa la isku dhuftay, dhanka axmaarada iyo canfarta waa la isku dhuftay canfartu waa la mid orormadu waa la mid, deegaan walba deegaanka uu xuduuda lalahaa waalagu dhuftay.

Deegaan walba qowmiyada wada degen waa la isku diray Lkn deegaanka tigreega cidna iskuma dhicin, meelaha xuduuda, gudihiisana qowmiyadaha degen isma layn Sababtuna waxa weeye kuwa wax isku dirayaba maadaamay ayaga ahaayeen deegaankoodu nabad buu ahaa. Indha adaygooda waxayba dhihi jireen anaga uunbaa nabad ah deegaanada kale way gubanayaan!!! Oo yaa dabka ka dhex shiday deegaanada kale oo aan ayaga ahayn ?”

Waxaa xigtay qarixii Addis Ababa iyo dilkii haajaalu oo ay aad uqorsheeyeen.
Tusaale gaaban deegaanka canfarta iyo soomaalidu way islaayeen dagaal soo noqnoqday Kadib madaxweynaha canfarta ayaa fikir yaab leh soo bandhigay…..”

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this