Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta Yemen Oo Laayay Askar U Dhalatay Dalka Sucuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Xuutiyiinta Yemen waxay sheegteen in ay dileen tiro askar u dhashay dalka Sucuudiga oo ay ku dileen magaalada Marib ee dhacda galbeedka Yemen.

8 askari oo ka tirsan ciidamada Sucuudiga ayaa lagu dilay weerar ay qayb ka ahaayeen xoogaga Xuutiyiintu.

Afhayeen u hadlay Xuutiyiinta Yemen ayaa xusay in ciidamadoodu ay weerareen xiro ciidan oo ay degenyihiin ciidamada Sucuudigu.

Wuxuu intaa ku daray in ay dhaawaceen askar intaa ka badan.

Dawladda Sucuudigu wali kamay hadal sheegashooyinka Xuutiyiinta, balse warbaahinta gudaha Sucuudiga ayaa ku warantay dhimashada sarkaal ka tirsan ciidamada Sucuudiga oo aanay xusin meesha uu ku geeriyooday

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this