Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dil ka dhacay magaalada Beledweyne

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay xalay koox hubeysan ka geysteen gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa loo geystay Nabadoon Xasan Ibraahim Nuur (Xasan Tiyeegow) oo si weyn caan uga ahaa magaaladaasi.

Marxuumka oo ay toogasho ku dileen kooxo hubeysan ayaa xilligaas ku sugnaa xaafadda Howl-wadaag oo ka tirsan magaalada Beledweyne.

Wararka ayaa sheegaya in raggii ka dambeeyey toogashada ay goobta isaga baxsadeen, waxaana xaafadda Howl-wadaag gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadda dilkaasi, balse waxaa haatan socda baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan saraakiisha laamaha amniga ee Beledweyne.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa faraha ka sii baxayey amniga degmadaasi oo ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay doorashadii HirShabelle ee lagu qabtay Jowhar.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this