Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo shaacisay in xubno ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa saacadihii la soo dhaafay howl-gallo qorsheysan ka fuliyey qeybo ka mid ah gobolka Sh/Hoose.

Howl-gallada ayaa si gaar ah waxaa looga fuliyey deegaanka Ceel Maracadde oo ka tirsan gobolkaasi.

Dowladda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay howl-galladaasi ayaa sheegtay in ciidamadu ay dileen ugu yaraan 17 ka tirsanaa Xarakada Al-Shabaab.

Sidoo kale dowladda ayaa shaacisay in howl-galladan lagu bur-buriyey goobo ay Al-Shabaab ku qaadi jireen lacago Canshuuro a.

Mara-cadde waa deegaan u dhexeeya dhulka carro madowga ah iyo dhanka xeebta ee degmooyinka Afgooye iyo Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose .

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this