Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya Oo Ku Raad Joogta Hoggaamiyayaashii TPLF Iyo Debretsion Oo Hanjabaad Hor Leh Soo Diray

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Makalla)-Dowladda Itooobiya ayaa sheegtay inay ugaadhsaneyso oo ay ku raadjoogto hoggaamiyayaashii gobolka Tigray, maalin uun ka dib markii ay dowladda federaalka sheegtay inay la wareegtay magaalada madaxda Tigray ee Mekelle.

Lama oga illaa iyo imika halka ay ku sugan yahay hoggaamiyihii gobolka Tigray ,Debretsion Gebremichael.

Debretsion ayaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay in dhaqdhaqaaqa TPLF ay sii wadi doonaan dagaalka.

Hoggaamiyaha Tigray Debretsion Gebremichael ayaa sheegay inay caddowga kusoo duulay la dagaalami doonaan illaa qofka ugu dambeeya, kadib markii ay ciidammada Itoobiya qabsadeen caasimadda Gobolka Tigray ee Makelle.

Sida ay kasoo xigatay wakaalada wararka ee Reuters hoggaamiyaha Jabhada xoreynta Tigray ee TPLF ayaa yidhi: “Xasuuqa ay geysteen wuxuu sii kordhinayaa inuu keenna ugu dambeeya dhinto isagoo la dagaalamaya kuwa nagu soo duulay”.

Mar la weydiiyey hoggaamiyaha Tigray Debretsion Gebremichael haddii ay sii wadayaan dagaalka ayuu sidoo kale sheegay in dagaalka uu yahay mid ay ku difaacayaan xauquuqdooda inay is maamulaan, taasina ay geeri ka xigaan.

Raysal wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku tilmaamay hoggaanka Tigrey inay yihiin dambiilayaal.

Xilli dowladda fedaraalka ay sheegtay inay la wareegtay caasimadda Tigrey ee Mekelle ayaa waxaa uu Mr Abey qorsheynayaa inuu badalo maamulkii hore ee gobolkaasi lana dhiso mamaul cusub.

Balse hoggaamiyayaasha Tigray ayaa waxay wacad ku mareen inay sii wadi doonaan dagaalka ay ku raadinayaan xaqa ay dadkooda u leeyihiin aaya ka tashigooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this