Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa kasoo baxay kulankii Abiy Axmed & ergada Midowga Afrika?

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa la kulmay ergo ka socotay ururka Midowga Afrika kuwaas oo isku dayaya sidii loo dhexdhexaadin lahaa dowladda iyo maamulka TPLF oo ku dagaallamaya gobolka Tigray.

Bayaan maanta kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha kaddib kulanka uu la qaatay ergada ayaa lagu sheegay in dowladdiisa ay ku adkeysatay inay xaqiijineyso ilaalinta shacabka, in la furo marinada gargaarka iyo inay soo dhaweyneyso in qaxootiga u qaxay dhinaca Suudaan dib loogu soo celiyo dalka.

Abiy wuxuu sheegay in dowladdiisa ay sii wadi doonto tallaabooyinka ka dhanka ah TPLF.

Waxaana ergadan kamid ah saddex madaxweyne oo hore oo kala ah madaxweynihii hore ee Mozambique, Joaquim Chissano, madaxweynihii hore ee Liberia Ellen Johnson Sirleaf iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Kgalema Motlanthe.

Dowladda Itoobiya waxay horraan sheegtay in ergadan aanan loo ogolaan doonin inay booqdaan Tigray.

Ma kala cadda sida ay howshooda ku gudan doonaan waa haddii aysan la kulmin labada dhinac.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this