Sign in to follow this  
Deeq A.

Xubin ka tirsan Al-Shabaab oo lagu qabtay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada nabad sugida iyo sirdoonka qaranka ayaa xalay ku guulaystay inay gacanta ku dhigaan xubin ka tirsan Al-Shabaab oo waxyaabaha qarxa soo galiyey gudaha magaalada Dhuusamareeb oo fadhigoodu yahay maamulka Galmudug.

Qaar ka mid ah dadka degmadaasi oo ku sugnaa goob maqaaxi ah ayaa gacan ka geystay qabashada eedeysanahaasi,ka dib markii ciidamada nabab-sugidda ay ku wargaliyeen ninkaasi oo walxaha qarxa la soo galay goobtaasi.

Ciidamada amaanka magaalada ayaa waxa ay wadaan baaritaanno amniga lagu xaqiijinayo ninkii falkan lagu soo qabtay ayaa waxaa gacanta ku haya ciidamada nabad sugida iyagoo bulshada uga mahad celinayey, sida ay falkaasi uga hortageen ciidamadana u soo wargaliyeen.

Waxaa dhamaanba saaka la adkeeyey sugida amniga magaalada waxaana socanaya baaritaan dheeri ah saraakiisha howlgalkan hogaaminaysa ayaa waxa ay xuseen in wixii ka soo baxa baaritaanadaasi ay dib warbaahinta kala wadaagi doonaan warbaahinta

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this