Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Wada-hadal u socday Deni iyo Murashixiinta Muqdisho oo fashil ku dhammaaday

Recommended Posts

Deeq A.   
3-22.jpg?resize=780%2C470&ssl=1

Wada-hadallo u socday  Madaxweyne Deni iyo Murashixiinta mucaaradsan Villa Somalia ee  ku sugan Muqdisho, ayaa fashil ku dhammaday, kadib markii labada dhinac isku fahmi waayeen arrimo ku saabsan  Guddiga Doorashooyinka heer Federaal.

Madaxweyne Deni, oo aaminsan in Doorashada wakhtigeeda lagu qabto, ayaa dhowaan diiday codsi uga yimid Murashixiinta Muqdisho, kuwaas oo ka dalbaday in uu beddelo xubno ka socda xafiiskiisa, islamarkaana ka tirsan Guddiga Doorashooyinka heer Federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Murashixiinta oo ku doodaya, in Guddiga Doorashooyinka laga buuxiyay Shaqaale dowladeed iyo askar, ayaa Madaxweyne Deni xasuusiyay, in haddii uu beddelo xubnaha ka socda Puntland, ay tallaabadaas Farmaajo ku cadaadin doonto, in uu beddelo xubnaha ka socda Xafiiskiisa ee ku jira Guddiga Doorashooyinka.

Ha yeeshee, Siciid Deni ayaa Murashixiinta u sheegay, in aysan jirin sabab loo beddelo xubnaha Puntland soo xulatay, maadaama ay ku yimaadeen wada-tashi loo dhanyahay, islamarkaana aan looga cabsi qabin in ay cid gaar ah u eexdaan.

Sidoo kale, wuxu xasuusiyay in haddii la beddelo Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, uu khalkhal ku imaan karo wakhtiga iyo Hannaanka lagu heshiiyay ee Doorashada, taasna aysan cidna dan ugu jirin.

Dhinaca kale, wada-hadallo dambe oo xalay dhexmaray Deni iyo Midowga Murashixiinta Muqdisho, ayaa mar kale fashil ku dhammaaday , kadib markii Madaxweyne Deni ku adkaystay, in uusan beddeli doonin xubnaha Puntland ku matala Guddiga Doorashooyinka.

PUNTLAND POST

The post Xog: Wada-hadal u socday Deni iyo Murashixiinta Muqdisho oo fashil ku dhammaaday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this