Sign in to follow this  
Deeq A.

XOG: Madaxweyne Deni oo Baarlamanka kala hadlay Arrinta DP World

Recommended Posts

Deeq A.   
1-40.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweyne Deni, oo maanta kulan guud la yeeshay Guddoonka iyo xildhibaannada Baarlamanka Puntland, ayaa ka dalbaday in aysan siyaasadayn Heshiiska Horumarinta dekedda Boosaaso ee Shirkadda DP World.

Madaxweyne Siciid Deni, wuxuu mudanayaasha Golaha Wakiilada ku wargeliyay, in uu meel wanaagsan marayo wada-hadal u socda xukuumadda Puntland iyo Shirkadda DP World, kaas oo ku saabsan fulinta Heshiiskii dekedda Boosaaso.

Sidoo kale, wuxuu Raja fiican ka muujiyay in laga gudbo caqabadaha hor-taagan Fulinta Heshiiska, islamarkaana Wada-hadalka u socda xukuumadda Puntland iyo DP World uu mira-dhalo, si loo bilaabo dhismaha iyo ballaarinta dekedda.

Xildhibaannada ayuu sidoo kale ka codsaday, in aysan siyaasadayn Heshiiska DP World, oo sida uu tilmaamay u xanniban caqabado yar iyo Arrimo farsamo oo keliya, kuwaas oo dib laga xallin doono, si loo bilaabo Fulinta Heshiiska.

Dhinaca kale, Xildhibaannada qaarkood ayaa muujiyay, in ay u riyaaqsan yihiin hadalka Madaxweynaha, halka qaar kalena ay muujiyeen, in aysan ku qanacsanayn jawaabtiisa ku aaddan Arrinta DP World.

PUNTLAND POST

The post XOG: Madaxweyne Deni oo Baarlamanka kala hadlay Arrinta DP World appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this