Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey Soomaali dil iyo dhaawac loogu geystay dalka Canada

Recommended Posts

Deeq A.   

Edmonton (Caasimada Online) – Faah faahino ayaa laga helayaa weerar sababay dhimasho iyo dhaawac loo geystay dhalinyaro Soomaali ah oo ka dhacay dalka Canada.

Weerarkan oo ay fuliyeen kooxo hubeysan ayaa habeenimadii Talaadada ka dhacay waqooyiga magaalada Edmonton, sida ay shaaciyeen saraakiisha amniga dalkaasi.

Booliiska Canada ayaa haatan wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi, gaar ahan toogashada loo geystay muwaadiniintaasi Soomaaliyeed.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Xaashi, kaas oo ahaa 25, halka lagu dhaawacay wiil kale oo Soomaali ah oo isbitaalka la dhigay.

Illaa hadda lama oga kooxda rasaasta ku furtay dhalinyaradaasi, kuwaas oo goobta ka baxsaday, balse Booliiska ayaa sheegay inay wadaan baaritaano dheeraad ah.

Toddobaadyadii u dambeeyay waxaa Canada kuu sii kordhayey is rasaaseyn la xiriirta aargudasho, balse weli ma cadda weerarkan cida fulisay & sababta ka dambeeya.

The post Wararkii ugu dambeeyey Soomaali dil iyo dhaawac loogu geystay dalka Canada first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this