Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dagaal ka dhacay Sh/Hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in maanta dagaal u dhexeeyey ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab uu ka dhacay gobolkaasi.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Sabiid ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi, balse labada dhinac ayaa guullo ka kala sheegtay, iyadoona haatan xaaladdu ay tahay mid degan.

Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa lagu soo warramayaa inay haatan ku sugan yihiin goobihii lagu dagaalamay, iyaga oo dhaq-dhaqaaq ka bilaabay halkaasi.

Gobolka Shabeelaha Hoose oo ay weli ku xoogan yihiin dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa waxaa inta badan ka dhaca dagaallo geysta khasaare kala duwan.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this