Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Axmed Madoobe, Gaas iyo CC Shakuur oo qorshe cusub ka wada Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Waxa saacadihii u dambeeyay ka socda magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya kulamo gaar ah oo looga hadlayo arrimaha doorashooyinka, kaasi oo u dhaxeeya siyaasiyiin miisaan culus leh iyo qaar kamid ah murashaxiinta madaxtinimada dalka.

Kulamada ayaa lagu soo waramaya inay u dhaxeeyaan Madaxweynaha Jubbaland, madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, Cabdiweli Gaas iyo Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo weliba xubno kale oo siyaasiyiin ah, kuwaasi oo looga arrinsanayey doorashada dalka.

Xubnahan ayaa waxay diirada saareen guddiga doorashooyinka oo dhawaan mucaaridka dalku uu ka horyimid ku dhawaaqistooda, iyaga oo ku andacoonaya inay ku jiraan xubno u dhow Farmaajo iyo kuwo ka tirsan hay’adda nabad sugida dalka ee NISA.

Siyaasiyiinta iyo xubnaha kale ee kulankaasi ka qeybta ahaa ayaa sheegay inay sii socon doonaan kulamadooda, ilaa inta wax laga qabanayo walaaca ay ka qabaan hanaanka doorashooyinka.

Musharaxiinta iyo siyaasiyiinta kale ee ku sugan Nairobi ayaa dhawaan u soo wareegi doona magaalada Muqdisho, kuwaasi oo qorshahood ku aadan ‘doorasho loo siman yahay’ ka dar-dar gelin doona caasimada dalka, sida uu sheegay Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Mucaaridka ayaa iyagu walaac xoogan ka qaba habka ay Villa Somalia u hirgelinayso heshiiskii laga gaaray arrimaha doorashooyinka, kaasi oo si cad u dhigayey in doorashada dalka ay ku qabsoomto waqtigeeda, midaasi oo looga baaqsanayo dib u dhac.

The post Xog: Axmed Madoobe, Gaas iyo CC Shakuur oo qorshe cusub ka wada Nairobi first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this