Sign in to follow this  
Deeq A.

Akhriso: Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Golaha Shacabka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada golaha shacabka ee Barlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulan ku yeelanayaan xaruntoooda Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Golaha ayaa kulankooda maanta waxaa looga hadli doonaa ajandayaasha kala ah:

1-U codeynta xubnaha guddiga adeega garsoorka

2- ucodeynta xubnaha guddiga la dagaalanka musuq-maasuqa.

golaha ayaa sidoo kale  waxaa ay  akhrinta sedexaad marsiin doonaan  hindise sharciyeedka notaayooyinka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha golaha shacabka ee Baarlaamanka federaalka Soomaaliya  Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa dhawaan golaha barlamaanka kula dar daarmay in xoogga la saaro dar dargalinta howlaha uharsan golaha

kulanka ayaa waxaa uu qeyb ka yahay kal-fadhiga 7-aad ee golaha  oo ah midkii ugu dambeeyey maadama xildhibannada dib loo soo dooranayo waxaana horyaallo shuruuc uu kamid yahay dib-u eegista Dastuurka.

Goobjoog News

 

 

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this