Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Beljimka oo Tallaabo ka qaaday rag doonayay in ay gubaan Kitaabka Quraanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Beljimka ayaa ceyrisay 5 qof oo u dhashay dalka Denmark kuwaasi oo aaminsan fikirka midig fog islamarkana waxa laga mamnuucay muddo sanad ah qorsha ay ku doonayeen inay ku gubaan Kitaabka Quraanka Kariimka.

Falkan ayay doonayeen inay ka sameeyaan magaalada Brussels gaar ahaan degaan ay ku badan yihiin dadka Muslimiinta.

Xoghayaha arrimaha gudaha dalka Belgium Sammy Mahdi ayaa raggan ku tilmaamay in ay halis ku yihiin nidaamka iyo kala dambeynta.

Horraantii sanadkan ayaa siyaasigani xabsiga la dhigay muddo bilooyiin ah dalkaasi Denmark ka dib markii lagu eedeeyay in uu u gefay Islamka, islamarkana uu muuqaalo ka dhan ah Islamka uu so dhigay baraha bulshada uu xisbigiisa Stram Kurs.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Beljimka oo Tallaabo ka qaaday rag doonayay in ay gubaan Kitaabka Quraanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this