Sign in to follow this  
Deeq A.

Dheemankii ugu weynaa abid & Cadadka lacagta lagu xaraashay

Recommended Posts

Deeq A.   

Dheemankii ugu weynaa abid & Cadadka lacagta lagu xaraashay

4f5d225b-100e-40a2-85ca-f7f48df4a584-300

Dheyman naadir ah oo laga keenay Ruushka ayaa lagu xaraashay suuq ku yaalla dalka Switzerland, waxaana lagu iibiyay 26.6 malyan oo doolar.

Dheymanka oo lagu qiyaasay xajmigiisa 14.8 carat oo ah cabirka lagu qiyaaso dheymanka ayaa ahaa kii ugu weynaa ee abid la xaraasho, halkii kuwii ee la xaraashi jiray ay ka yaraayeen 10 cabirka dheymanka.

Muuqaalka qurxoon iyo midabada ifayo ayaa soo jiitay indhaha dadka markii lagu xaraashayay suuqa Sotheby ee ku yaalla Geneva.

Lamana shaacin magaca cidda gadatay dheymanka.

Dheymanka ayaa kamid ahaa saddex dhagax oo ay Ruushka kasoo qaaday shirkadda macdanta qaabilsan oo la yiraahdo Alrosa.

Sanadkii 2017-kii ayay aheyd markii katiin dheyman ah oo ka kooban 163 dhibcood ayaa lagu xaraashay suuq ku yaalla Geneva, waxaana lagu iibiyay $33.7 milyan oo dollar. Waxaa la aaminsanaa xilliggaas in ay aheyd katiinaddii ugu waynayd ee noocan ah.

Dheymankan oo aan midab lahayn waxaa laga sameeyay dhagxaan laga soo aruuriyay dalka Angola waxaana lagu iibinay guriga xaraashka ee Christie.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this