Deeq A. Posted November 12, 2020 Sida ay xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir dhaawac fudud ayaa la sheegay in lagu qaaday Guddomiyaha Degmada Hodan Cabdikariin Cabdiraxmaan Ciise Dhegajuun, kadib markii qarax lagula eegtay gudaha Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir. Sidoo kale wararku waxaa ay intaasi ku darayaa in qaar kamid ah ilaaladiisa dhimasho iyo dhaawac uu qaraxaasi kasoo gaaray. Inta la xaqiijiyey waxaa geeriyootay labo askari. Xaalada goobtii qaraxa uu ka dhacay ayaa ah mid haatan hakad la galiyey isku socodkeeda. View the full article Share this post Link to post Share on other sites