Sign in to follow this  
Deeq A.

HirShabeelle oo dooratay madaxweyne cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimadda Online) – Maamulka Hirshabelle ayaa loo doortay hogaan cusub iyadoo xildhibaanada maamulkaas ay goor dhaw madaxweyne cusub u doorteen Cali Guudlaawe Xuseen, kadib markii uu si awood leh ugu guuleystay doorasho ka dhacday magaalada Jowhar ee xarunta maamulkaas.

Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa helay 86 cod, halka musharaxii la tartamaayay Cabdiraxmaan Jimcaale Cusmaan uu helay 13 cod, ma jirin musharax kale oo ku jirtay doorashada maamulka Hir-Shabelle.

Gudoomiyaha Baarlamaanka maamulka Hir-Shabeelle Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Muxumed ayaa ku dhawaaqay natiijada doorashada, isagoo shaaciyay in Cali Cabdullaahi Xuseen uu yahay madaxweynaha afarta sano ee soo socota hogaamin doona maamulka Hir-Shabelle.

Dhamaan waxaa xaadir ahaa 99 xildhibaan ee maamulka Hir-Shabelle, sidoo kale waxaa hoolka doorashada ku sugnaa xildhibaano heer Federaal ah oo ay deegaan doorashadooda tahay Hir-Shabelel iyo kuwa kale.

Sidoo kale guddi heer Wasiiro ah ayaa xaadir ku ahaa magaalada Jowhar, waxaana maamulka Hir-Shabelle hogaamin doona Cali Cabdullaahi Xuseen (Guud-Laawe) oo horay usoo noqday madaxweyne ku xigeenka maamulka.

The post HirShabeelle oo dooratay madaxweyne cusub first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this