Sign in to follow this  
Deeq A.

 Madaxweynaha Tigray-ga oo shaaciyey in ciidanka Dalka Eritrea ay kusoo biireen dagaalka ka socda Gobolka tigray

Recommended Posts

Deeq A.   
 Madaxweynaha Tigray-ga oo shaaciyey in ciidanka Dalka Eritrea ay kusoo biireen dagaalka ka socda Gobolka tigray
Mas’uuliyiinta Tigray-ga oo shaaciyey in ciidanka Eritrea ay kusoo biireen dagaalka

 Madaxweynaha gobolka Tigray ee Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Eritrea ay ciidamo kasoo gudbisay xuduudda kuwaasi oo weerar ku qaaday ciidamo deegaanka ah, xilli uu socdo dagaalka u dhaxeeya gobolkiisa iyo xukuumadda Abiy Ahmed.

“Tan iyo shalay ciidamada hoggaamiyaha Eritrea Isaias Afwerki waxay kasoo gudbeen xuduudda dalka, waxayna qabsadeen dhulkeeena,” ayuu yidhi Debretsion Gebremichael.

“Waxay naga soo weerarayaan dhanka Humera ayaga oo adeegsanaya hub culus,” ayuu yidhi Debretsion Gebremichael, hase yeeshee sooma bandhigin wax caddeymo ah oo muujinaya in ciidamada Eritrea ay dagaalka soo galeen.

Dhinaca kale dowladda Eritrea ayaa beenisay inay ciidankeeda kusoo biireen dagaalka, ayaga oo taageeraya ciidamada dowladda federaalka Ethiopia.

“Kan waa dagaal gudaha ah, qeybna kama nihin,” waxaa sidaas yiri wasiirka arrimaha dibedda Eritrea Osman Saleh, oo la hadlay wakaaladda wararka Reuters.

Dhinaca kale, ururka Midowga Afrika ayaa ku baaqay wada-hadallo nabadeed iyo xabad-joojin laga gaaro dagaalka.

“Guddoomiyaha ururka Moussa Faki Mahamat waxa uu codsanayaa in si deg deg ah loo joojiyo dagaalka, wuxuuna ugu baaqayaa dhinacyada inay ilaaliyaan xuququda aadanaha, islamarkaana xaqiijiyaan bad-baadada shacabka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Ururka.

Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed ayaa wacad ku maray in dagaalka aan la joojin doonin illaa meesha laga saaro hoggaanka xsibiga xukuma gobolka Tigray-ga ee TPLF.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this