Sign in to follow this  
Deeq A.

Masuuliyiinta ugu Tunka waaweyn Xisbiga Jamhuriga oo ku hagoogtay Trump,Shaaciyeyna inuu Trump ku saxsan yahay inuu diido Natiijada Doorashada+Waxay ku sababeeyeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Jamhuriyiinta oo ku hagoogtay Trump,Shaaciyeyna inuu Trump ku saxsan yahay inuu diido Natiijada Doorashada+Waxay ku sababeeyeen

US Senate Mitch McConnel

Xubnaha ugu sarreeya Jamhuuriyiinta ayaa ku taageeray madaxweyne Donald Trump, dacwadaha uu ka gudbiyay tirinta codadka qaar ka mid ah gobollada loogaga guuleystay, doorashadi madaxtinimo ee horraanti bishaan ka dhacday Mareykanka.

Trump ayaa rajo ka qaba in dacwadaha uu u gudbiyay maxkamadaha ay u diidaan guusha la saadaaliyay inuu doorashada ku guuleystay, Joe Biden oo ah madaxweyne ku xigeenki hore ee Mareykanka.

Guddoomiyaha Aqlabiyadda ee Goolaha Senetka Mitch McConnell iyo Guddoomiyaha Xildhibaanada laga tirada-badanyahay ee Aqalka Wakiillada Kevin McCarthy, ayaa sheegay in Trump uu ku saxsanyahay inuusan aqbalin natiijada doorashada illaa si rasmi ah looga caddeynayo in aysan dhicin wax-isdabamarin ah.

Dhanka kale, ninka loo saadaaliyay inuu ku guuleystay doorashada madaxtinimada Mareykanka, Joe Biden ayaa Talaadadi wariyaasha u seegay, in qirasho la’aanta Trump ee guuldarrada doorashada ay tahay yaxyax iyo waji-gabaxnimo.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this