Sign in to follow this  
Deeq A.

Japan oo kordhineysa howl-galkeeda la dagaalanka burcadbadeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Japan ayaa sheegtay in hal sano oo dheeraad ah ay ku dareyso howl-galka la dagaalanka burcadbadeeda ee ay ka wado biyaha Soomaaliya iyo kuwa caalamiga ah.

Japan ayaa waxaa xeebaha Soomaaliya ka jooga maraakiib dagaal iyo diyaarado howl-gallo ka wada illaa iyo sanadkii 2009-kii oo burcadbadeedii ugu darneyd ay wadeen afduubka.

Ujeedka ugu weyn ee dowladda Japan ka leedahay howl-galkaasi ayaa ahaa in ay ilaaliso maraakiibta ganacsi ee marta meelaha ku dhaw xeebaha Soomaaliya.

Joogitaanka ciidamada Badda Japan ee xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa muddo xileedkiisa oo ah hal sano uu ku egyahay ama uu dhacayaa todobaadka soo socda.

Muddo kordhinta cusub ee loogu daray in ciidamada Japan ay ka sii howl-galaan Badda Soomaaliya isla markaana ay xoojiyaan la dagaalanka burcadbadeeda ayaa timid kadib kulan ay yeesheen golaha wasiirada ee dalkaasi

Sidoo kale dowladda ayaa kordhineysa ciidamadeeda Badda ee qaybta ka ah howl-galka la dagaalanka burcadbadeeda, maadaama uu sare u kacay faafitaanka cudurka Coronavirus

Kooxaha burcadbadeeda Soomaalida ayaa sanadihii 2008 iyo 2012 afduubtay maraakiib badan oo marayey xeebaha dalka oo ay ka qaateen malaayiin dollar oo madax furasho ah.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this