Deeq A. Posted November 10, 2020 Jowhar (Caasimada Online) – Diiwaan gelinta Musharaxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeelle ayaa si rasmi ah loo soo xiray shalay. Ilaa hadda laba Musharax ayaa loo diiwaan geliyay tartanka Madaxweynaha waxeyna kala yihiin Cabdiraxmaan Jimcaale iyo Cali Cabdullaahi Xuseen “Cali Guudlaawe” oo hadda ah Madaxweyne ku xigeenkii hore ee waqtiga ka dhamaaday. Aqoon dheer looma lahan Musharaxaan kale oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Jimcaale oo ka soo jeeda magaalada Beladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, waxeynu wararku sheegayaan in loo keenay in uu camiro ama tartan la ogyahay natiijadiisa la galo Cali Guudlaawe. Guudlaawe oo ay aad isugu dhow yihiin Villa Somalia ayaa la rumeysan yahay inuu yahay madaxweynaha xiga ee HirShabeelle. Tartanka Madaxweyne ku xigeenka ayaa sidoo kale loo diiwaan geliyay laba xubnood oo kala ah Maxamed Dheere oo ka tirsan Xukuumadii HirShabeelle iyo Yuusuf Axmed Hagar Daba-geed oo ah guddoomiyihii hore ee gobalka Hiiraan. Maanta ayaa la filayaa in Musharaxiinta Khudbadahooda jeediyaan iyadoo ugu dambeyna Arbacada ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka maamulka HirShabeele. The post Xog: Cali Guudlaawe oo loo helay musharax la tartama first appeared on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites