Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuune Haashim “Ku Soo Biiritaanka Elman Waa Shaqo Adag,Waase Ku Faraxsanahay In Aan Ka Mid Noqdo”

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciyaaryahankii hore Kooxda Horseed Nuune Haashim ayaa ku biiray naadiga kubadda cagta Elman,isagoo sheegay in aad u jeclaa kooxda jaalayaasha ee Elman.

20201108_230615.jpg

“Waa ku faraxsanahay in aan xerta maaliyada Elman,waa koox weyn sharaf ayay ii tahay in aan ka mid noqdo” ayuu saxaafada ciyaaraha u sheegay kabtankii hore Horseed Nuune Haashim

20201108_224531.png

Kooxda Elman ayaa is badal weyn samaynaysa,iyadoo goor horay soo qaadatay Macallin Muraad Cabdiqaadir oo tababar da’yar kana soo shaqeeyay Wadanka Ingiriisa,isagoo maamulayay koox badan.

MVI_6170.MOV.00_00_10_06.Still001-1024x5

“Is badalada iyo saaxiixyada ay kooxda samaynayso ayaa ah in guul iyo horomar ay la sameeyaan Elman sidoo kalen ay xirfadooda ku qanciyaan taageerayasheena” ayuu saxaafada u sheegay Mooha Kampala oo ah xoghayaha kooxda Elman.

FB_IMG_1604865857767-1024x683.jpg

Nuune Haashim ayaa in mudo ah ka mid ahaa naadiga Horseed,isagoo kula guulaystay koobab badan oo ah ka mid ah koobabka Jeneraal Daa’uud oo lagu xuso taliyihii ugu horeeyay ciidanka xooga Soomaaliyeed.

20201108_224531.png

“Waqti wanaagsan ayaan ku soo qaatay kooxdayda hore Horseed,guul iyo horomar ayaan u rajaynayaa iyaga taageerayashooda,waxaana rajanaynaa in aan waqti wanaagsan ku qaato Elman” ayuu sheegay laacib Nuune Haashim.

20201109_064117.jpg

Sidoo Kale Aqriso Macallinka Ay Kooxda Elman Soo Qaadatay

Tababare Muraad Cabdiqaadir “Waan Ku Faraxsanahay Qabashada Kooxda Elman”

Si kastaba taageerayaasha kooxda Elman ayaa si weyn u soo dhaweeyay saaxiixa laacibkan,iyagoo sheegay in ay ku faraxsanyihiin horomarka iyo is badalka ay wadaan maamulka sare ee Elman .

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this