Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad colaadeed oo ka taagan duleedka degmada Warsheekh

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka xiisad u dhexeyso labo maleeshiyo beeleed ay ka taagan tahay duleedka degmo xeebeedka Warsheekh oo ka tirsan gobolkaasi, kuwaas oo isku heysta aanooyin qabiil iyo dilal ka dhacay halkaasi.

Xiisadan ayaa daba socota, kadib markii deegaano hoostaga degmadaas Xalay lagu laayey dad shacab ah oo isku qoys ahaa.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa halkaasi ku dilay Hooyo umul aheyd oo wax ka yar 40-maalmod dhalned iyo wiil yar oo 3 sano jir ahaa oo iyadu ay dhashay

Sidoo kale waxa ay kooxdaasi dhaawac aad culus u gesteen Hooyo iyo canug kale, kuwaas oo la dhigay isbitaallada caafimaadka.

Dadka deegaanka Xaluule oo dhibaatadan ka dhacday ayaa haatan waxaa la soo daristay cabsi iyo wal-wal xoogan oo ku aadan sii socoshada colaadaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid u kacsan, balse waxaa socda dadaallo ay wadaan waxgaradka deegaanka ee ku dhaqan gobolka Shabeelaha Dhexe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this