Sign in to follow this  
Deeq A.

“Farmaajo Waa Astaanta Qaranka, Cabdi Xaashi-na Waa Hoggaamiye Mucaarad Ah Lana Shaqeysta Mucaaradka” Mahdi Guuleed

Recommended Posts

Deeq A.   

Rayaal Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Cabdi Xaashi Cabdullaahi ku tilmaamay inuu yahay hoggaamiye Mucaarad ku ah dowladda kana soo horjeeda.

Mahdi Guuleed oo wareysi bixiyay ayuu ku sheegay in Guddoomiye Cabdi Xaashi uu ka horyimid in dalka ay dhacdo Doorasho qof iyo Cod ah, isla markaana uu kasoo horjeestay dowladda Federaalka, sidaasina uu ku yahay hoggaamiye Mucaarad ah lana shaqeysta mucaaradka.

Waxa kaloo uu sheegay Mahdi Guuleed in aanu ogeyn in Cabdi Xaashi iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaaj uu ka dhexeeyo khilaaf, isagoo Farmaajo ku tilmaamay inuu yahay Astaanta Qaranka.

”Qoraalada isdaba jooga ah uu soo saarayo Cabdi Xaashi waxa ay natuseesaa in uu yahay hoggaamiye mucaarad, hoggaamiyaha mucaaradka dowladda, wuxuuna wiiqay awooddii sharci dejinta, waayo sharci dejinta waa Baarlamaan labo aqal ka kooban aqalka sare muddo ma aanay fariisan, qeyla dhaantooda waa ogeyd, hadda waxaa jira aqal sare oo aan muddo fariisan”ayuu yidhi Mahdi Guuleed.

Si kastaba Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa kasoo horjeestay Guddiyada  Doorashada ee Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Somaliland ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble, xili uu Cabdi Xaashi horey u sheegay inuu isaga soo magacaabayo Guddiyadaas, balse la magacaabay.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this