Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax caawa ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho.

Ma cadda khasaaraha ka dhashay qaraxan, balse waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey qaraxyo u badan nooca miinada, waxaana ugu dambeeyey midkii uu ka badbaaday wasiirka cusub ee shaqada iyo shaqaalaha ee xukuumadda Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this