Deeq A. Posted November 7, 2020 Joe Biden ayaa ku guulaystay tartankii loogu jiray madaxtinimada Maraykanka oo waxa uu kaga adkaaday Donald Trump tirinta codadkii la dhiibtay Salaasadii. Wararka ayaa sheegaya in Biden ku guulaystay gobolka loolanka adagi ka taagnaa ee Pennsylvania, waxaanay taasi u sahlaysaa inuu helo in ka badan 270-ka cod ee ergada gole-doorasho ee uu u baahan yahay si uu u hanto kursiga Aqalka Cad. Ololaha Trump ayaa sheegay in musharaxooda aanay u qorshaysnayn inuu aqbalo in laga badiyey. Natiijada ayaa Trump ka dhigaysa madaxweynihii u horeeyey ee muddo xileed keli ah dalka xukuma tan iyo sagaashanaadkii. Guusha Biden waxay ku salaysan tahay natiijo aan rasmi ahany oo ka soo baxday gobolada ilaa haatan dhamaystiray tirinta codadka iyo natiijada la filayo in ay ka soo bixi doonto gobollada sida Wisconsin ee tirintu ka socoto. Doorashadani waxay ahayd tii ay codbixiyeyaashii ugu tirada badnaa tan iyo sannadkii 1900 u soo dareereen. Biden ayaa ku guulaystay in ka badan 73 milyan oo cod ilaa haatan, taas oo ka dhigan inuu yahay musharaxii madaxweyne ee taariikhda Maraykanka ugu codka badnaa. Trump ayaa isagu helay qiyaastii 70 milyan oo cod, sidaana wuxuu ku gelyaa kaalinta labaad. View the full article Share this post Link to post Share on other sites