Deeq A. Posted November 7, 2020 Muqdisho (Caasimada Online) – Joe Biden ayaa loo doortay madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka kadib afar maalmood markii shacabka Mareykanka ay u dareereen goobaha cod-bixinta. Guusha Biden ayaa lagu dhawaaqay kadib markii uu ku guuleystay gobolka muhiimka ee Pennsylvania oo tirinta codadkiisa ay socotay afar maalmood. Joe Biden ayaa guusha Pennsylvania waxay siisay 273 oo ah codadka Electoral College, isaga oo u baahnaa 270. Waxaan weli harsan gobollo kale oo codadkooda la tirinayo, taasi oo codadkiisa sii kordhin karta. The post DEG DEG: JOE BIDEN oo loo doortay madaxweynaha Mareykanka first appeared on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites