Sign in to follow this  
Deeq A.

4 Xildhibaan Haweena oo si weyn uga soo horjeeday Siyaasada Trump oo ku guulaystay Kuraastoodii Barlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

4 Xildhibaan Haweena oo si weyn uga soo horjeeday Siyaasada Trump oo ku guulaystay Kuraastoodii Barlamaanka

hhh-300x168-1.jpg

 

Afarta haween ee ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga dalka Maraykanka oo loo yaqaan Kooxda ayaa ku wada guuleystey kuraastooda doorashadii ka dhacday dalka Maraykanka.

Haweenkan oo kala ah Ilhan Cumar oo laga soo doorto Minnesota,Alexandria Ocasio-Cortez oo New York laga soo doorto, Rashida Tlaibta Michigan iyo Ayanna Pressley oo Massachusetts ah ayaa wada guuleystey.

Kooxdan oo ka soo jeeda dadka midabka leh ayaa si weyn ugaga soo horjeeday siyaasada Madaxweyne Trump.

 

Dhammaantood wax culeys ah kuma noqon inay kuraastooda dib u helaan doorashadii dalka Maraykanka oo illaa iyo hadda aan lagu dhowaaqin Musharaxa ku guuleystey xilka madaxtinimada dalka Maraykanka…….

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this