Sign in to follow this  
Deeq A.

<p>Wax mar qudha Suuqyada waa weyn ee Dalka ga...

Recommended Posts

Deeq A.   

Wax mar qudha Suuqyada waa weyn ee Dalka gaar ahaan kuwa Ganacsiga raashinka  si weyn uga qaaliyoobay maciishadda Quutaldaruuriga ah taasi sare ugu kacday korodh Culus oo ay guud ahaan dareentay Bulshada Somaliland.

Wararka Wargeyska Foore helayo ayaa sheegaya in tan iyo bilawgii bishan uu marqudha Suuqyada Waa waa weyn ee Somaliland uu ka qaaliyoobay maciishada Quutaldaruuriga ah ee ay ka mid ka yihiin Bariiska, Sonkorta iyo Daqiiqdu, waxaana sida aanu warka ku helnay ama aanu soo ogaanay, mid walba ku kordhay xadi lacageed, oo marka duruufta bulshada loo eego, aad u culus taasi oo wal wal iyo hadal hayn ka dhex dhalisay Islamarkaana abuurtay Jawi kale oo horseed u noqon kara inuu marba marka ka dambaysa sii qaaliyooba maadaama oo aanu jirin sharci dawladeed xadidaya ama dabraya arintani.

Shacabka ayaa si weyn u tabaya Doorkii Xukuumaddu ku lahayd Kaantaroolidda Qaaliyawga  Maciishada Quutaldaruuriga ah iyo agabka kale ee Ganacsiga, mana jirto illaa hadda dhaqdhaqaaq ama door dhinaca Xukuumadda  ka socda oo lagula dagaalamayo ama lagu baadhayo  arintani bulshada eebada ku ah. Arintan ayaa ku soo beegmaysa wakhti Bulshadu sidii kale ula daalaa dhacayso duruufo kale oo nololeed oo uu sababay Cudurka Covid19, kaasi oo dunida faro baas ku haya islamarkaana si weyn u saameeyay Dhaqaalihii iyo isku socodkii bulshada Caalamka, waxaanay bulshada Somaliland Wakhtigan waajahaysaa duruufo nololeed kuwii ugu cuslaaa oo dhinaca walba leh taasi oo aanay jirin dawladnimo wax kala qaban karta xaaladda qalafsan ee ay kujiraan wakhtigan.

Lama garanayo in Raashinka ama Quutadal daruuriga ay ka mid ka tahay Sonkortu ka qaaliyawday Aduunka ama Caalamka kale balse sida la rumaysan yahay lama hayo warbixino sheegaya arintaasi ama xogtaasi oo tilmaamaya inuu Dunida ka qaaliyoobay, balse waxaa jirta in Somaliland aanay jirin la xisaabtan iyo ku dabadagal dhinaca Xukuumadda ka timaada oo lagu ogaanayo Arintani, ,mana jirto illaa hadda , wax dhaqaaq ah oo ay arintani ku baadhayso Wasaaradda Ganacsiga Somaliland oo Xukuumadda u qaabilsan Arintani.

Qiimaha Sonkorta oo awal Suuqyada Somaliland halka kiish ka taagnaa illaa 23-dollars ayaa hadda waxay kor usii dhaafaysaa illaa 27.5-Dollars , halka Daqiiqda oo iyana hore Suuqyada Somaliland uga maraysay illaa 20-dollars ay hadda kor uga sii siqayso qiimo lacageed oo gaadhaya 26-Dollars. Waa sare u kac weyn oo bulshada anfariir ku riday islamarkaana waa arin wal wal ku abuuraysa dhinaca Nolosho ah. Isku dayo badan oo aanu samaynay si aanu wax ka weydiino ganacsato iyo masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan gaar ahaan kuwa ay xaaladdani khusayso ayaanay noo suurtagalin in aan jawaab ka helo

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this