Sign in to follow this  
Deeq A.

Doorashada gudoonka baarlamaanka HirShabeelle oo ka socoto Jowhar

Recommended Posts

Deeq A.   

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka labaad ee dowlad goboleedka HirShabelle ayaa goor dhow ka bilaabatay magaalada Jowhar ee caasimadda HirShabelle.

Xilka guddoomiyaha golaha wakiilada HirShabelle ayaa waxaa u tartamaya laba mudane oo ka tirsan xildhibaannada, kuwaas oo lagu kala magacaabo.

Xildhibaan Cabdixakiin Luqmaan Xaaji Maxamed & Xildhibaan Maxamed Maxamuud Ibrahim (Goodir), waxaana hadda socota tirinta codadka.

Sidoo kale guddoomiye ku-xigeenka koowaad waxaa u taagan Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle iyo Saadaq Salaad Warsame, halka labaad ay u sharraxan yihiin Marwo Canab Axmed Ciise oo hore u soo qabatay xilkaasi iyo xildhibaan Mahad Xasan Cusmaan.

Kadib doorashada guddoomiyaha iyo ku xigeenadiisa waxaa xigi doonto tan madaxweynaha cusub ee HirShabelle iyo ku xigeenkiis oo la qaban doono maalmaha soo socda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this