Sign in to follow this  
Kamaavi

Ethiopia oo dil ku xukuntay Xasan Maxamed Maxamuud(Xasan yare)

Recommended Posts

Kamaavi   

Maxkamad ku taala magaalada Addis Ababa ayaa dil ku xukunatay Xasan Maxamed Maxamuud oo loo yaqaano Xasan yare oo sanadihii u dambeeyey ku xidhnaa xabsiyada Ethiopia.

 

Xasan yare ayaa dhowr sano ka hor ciidamada Ethiopia ka qabteen magaalada Diradhabo isagoo markaa ku sugnaa guri uu lahaa nin ay qaraabo yihiin.

 

Dowlada Ethiopia ayaa muwaadinkan ku eedaysay inuu ka tirsanaa Ururada hubaysan ee ka dagalaama gobolka soomaalida(******), iyadoo si gaar ah loogu eedeyey inuu ka tirsanaa Ururkii la odhan jiray Al-itixaad.

 

Xasan yare ayaa ah nin dhalinyara ah oo magaciisa si wayn looga yaqaano guud ahaan dhulka soomaaliyeed gaar ahaan magaalada uu ka soo jeedo ee Godey.

 

Wixii ka soo kordha xukunka lagu riday Xasan yare dib ayaan ka soo tabin doonaa hadii Allah idmo.

 

Isha warka!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Ethiopia oo daldalaad ku xukuntey sargaal Soomaali Galbeed ka tirsan

 

Nin Soomaali ah oo lagu soo eedeeyey in uu ka tirsanyahay ururka xoreyta Soomaali Galbeed oo horey loo oran jirey Al Itixaad Al Islaamiya ayay maxkamada Ethiopia ku taala ku xukuntey in xarig lagu daldalo.

 

Ninkani oo magaciisa lagu sheegey Xassan Maxamed ayaa waxyaabaha lagu eedeeyey waxaa ka mid ah shirqool dil ah oo loo maleegey saraakiil dowlada xabashida ka tirsan, qorshe lagu qarxin lahaa xadiidka tareenada iyo waliba dilka 3 qof oo rayid ah.

 

Wax war ah kama soo bixin Soomaali galbeed oo arrintani la xariirto.

 

Tani waxa ay imanaysaa xili ay maxkamad ku socoto Bashiir Makhtal oo isagana lagu heysto xubin ka ahaansho jabhada ONLF oo iyana ka dagaalanta gobolkaasi ********iya.

 

Isha warka!

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this