Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlad shaacisey inay Muwaadiniinteeda Kala Baxeyso Muqdisho+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   
Dawlad shaacisey inay Muwaadiniinteeda Kala Baxeyso Muqdisho+Sababta
D-7.jpghindiya-1.jpg

Dowladda Hindiya ayaa shaaca ka qaaday inay Muwaadiniinteeda ku sugan gudaha Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Somalia ay dhawaan si deg deg ah ugala bixin doonto, iyagoo ka hadlay sababta keentay.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hindiya ayaa lagu sheegay in 33 Muwaadin oo u dhashay dalkooda ay dib uga daad-gureyn doonaan Muqdisho,Kuwaas in muddo ah ku xayiran Caasimadda Somalia muqdisho.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabi doonaan daad-gureynta Muwaadiniinta Hindida ah, waxaana la tilmaamay 10 xubnood ay noqoneyso qeybta koowaad ee la qaadayo.

Sidoo kale Afhayeenka oo lagu magacaabo Anurag Srivastava oo warbaahinta la hadlaayay ayaa sheegay in muwaadiniinta Hindida ah aysan 10 bilood wax mushaar ah ka qaadan Shirkad ay u shaqeynayeen intii ay ku sugnayeen Muqdisho.

Isaga oo sii hadlaayay Afhayeenka Wasaaradda ayaa waxaa uu tilmaamay in Shirkadda ay u shaqeynayeen muwaadiniinta hindida laga qaadi doono lacagtii Mushaharka ah ee lagu leeyahay.

“Wadahadal kadib, madaxda shirkadda waxay isku raaceen in ay bixiyaan lacagaha ay ka doonayaan muwaadiniinta Hindida ah, waxay kaloo sheegeen inay fududeynayaan shaqsiyaadka Hindida ah ee doonaya inay dalkooda ku laabtaan” ayuu yidhi Anurag Srivastava.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this