Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaannada cusub ee HirShabelle oo maanta la dhaarinayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Jowhar ee caasimadda dowlad goboleedka HirShabelle ayaa lagu wadaa in maanta ay ka dhacdo munaasabad lagu dhaarinayo xildhibaanada cusub ee maamulkaasi.

Munaasabadda dhaarinta sida qorshuhu yahay waxaa ka qeyb geli doona mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle iyo guddiga farsamada soo xulista baarlamaanka labaad.

Sidoo kale Jowhar waxaa ka socda dhammaystirka xubnaha ka dhiman Baarlamaanka, oo ay ka harsanyihiin in la soo magacaabo kuraas ka yar 10-xubnood.

Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka HirShabelle ayaa Jowhar ka dhici doonta maalmaha soo socda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this