Sign in to follow this  
Deeq A.

Abukar Cawaale oo laga soo cayrshay magaalada Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   
Qaaddiid.jpg?resize=1000%2C866&ssl=1

Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa xalay magaalada Laascaanood mudda  kooban ku xiray Abukar Cawaale Qaad-diid, oo u ololeeya joojinta Qaadka, kadib markii uu gelinkii dambe ee shalay gaaray halkaasi.

Abukar Cawaale, oo doonayay in uu saaka oo Arbaco ah gudaha Laascaanood ka bilaabo wacyi-gelin ku saabsan joojinta Qaadka, ayaa xalay Booliiska Somaliland ka qabteen hotel ku yaalla Laascaanood, inkastoo markii dambe ay sii daayeen.

Abukar Qaad-diid, ayaa isla xalay u soo gudbay dhinaca Puntland, waxaana uu haatan ku suganyahay magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, oo uu shalay ka tegay  ka hor inta aanu Laascaanood tegin.

Mr Cawaale oo ka soo jeeda Puntland, ayaa lagu tilmaamaa nin aaminsan waxa loogu yeero Nabad iyo Nolol, oo inta badan ay baraha bulshada ku qoraan dadka taageersan dowladda Madaxweyne Farmaajo.

PUNTLAND POST

The post Abukar Cawaale oo laga soo cayrshay magaalada Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this