Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada Baarlamanka Puntland iyo Shaqaalaha dowladda oo loo fasaxay Xuska Mowliidka

Recommended Posts

Deeq A.   
Puntland.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Golaha Wakiilada Dowladda Puntland, ayaa la geliyay fasax hal maalin oo ku beegan Khamiista berriya, si loo muujiyo qiimaha iyo qaddarinta Xuska Mowliidka Nebiga Muxamed salla-laahi Caleysi wa-sallim.

Guddoonka Golaha Baarlamanka Puntland, ayaa mudanayaasha ku wargeliyay in Khamiista berriya ay fasax yihiin, maadaama ay ku beegantahay 12-ka bisha Mowliidka ee Dhalashadii Nebi Muxamed (NNKH).

Sidoo kale, waxa la fasaxay dhammaan Shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha Dowladda Puntland, waxaana haatan magaalooyinka waaweyn ka socda u diyaar-garowga Xuska Mowliidka oo ku beegan maalinta berriya.

Xarumaha Culimaa’udiinka loo yaqaan Suufiyadu ay ku leeyihiin magaalooyinka kala duwan ee Puntland, ayaa tan iyo xalay laga maqlayay Dikriga iyo Shallaadka loogu diyaar-garoobayo Xuska Mowliidka.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaanada Baarlamanka Puntland iyo Shaqaalaha dowladda oo loo fasaxay Xuska Mowliidka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this