Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxay looga hadlay kulankii maanta dhex-maray Qoor-Qoor iyo James Swan?

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa madaxtooyada kulan kula qaatay Ergeyga gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Amb. James Swan, kadib markii uu maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb.

James Swan iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay kamid ahaayeen wakiilada EU, Midowga Africa Francisco Madeira iyo IGAD Jamaal Xaaji Axmed, ayaa gaaray xarunta maamulka Galmudug, halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Kulanka Qoor-Qoor iyo Swan ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah, iyada oo si gaar ah diirada loogu saaray doorashooyinka, xoojinta amniga iyo iskaashiga dowladda federaalka & dowladaha xubnaha ka ah.

Waxay labada dhinac isla qaateen dar-dar gelinta arrimaha doorashooyinka oo dhawaan magaalada Muqdisho looga gaaray heshiis loo dhan yahay, kaasi oo meesha ka saaray muddo kororsi laga cabsi qabay.

James Swan ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa la filayaa inuu hirgelin doona xarun ay leedahay QM oo laga hago howlaha horumarineed ee deegaanadaasi.

Inta ay joogaan wafdigan uu hogaaminayo Swan waxay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxda sarre ee maamulka Galmudug, iyaga oo kala hadli doona arrimaha doorashooyinka iyo amniga.

122394528_3426453604058310_5686530991735 122791327_3426453914058279_3639794564721 122779582_3426453920724945_9272427651458 122684006_3426453637391640_1158359782900 122435904_3426454060724931_9524611017600 122760660_3426454197391584_8668236100125 122573260_3426453760724961_4472818924104 122492694_3426453807391623_4712355456578 122721331_3426454064058264_2932885830977

The post Sawirro: Maxay looga hadlay kulankii maanta dhex-maray Qoor-Qoor iyo James Swan? first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this