Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxamed Cumar Carte Miyuu Ka Tanaasulay Mawqifkiisa??

Recommended Posts

Deeq A.   

Siyaasiga caanka ah ee Maxamed Cumar Carte Qaalib ayaa Sabtida maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Siyaasigan ka soo jeeda Somaliland oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya waxa uu hore u ahaa ra’isal wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Xogo wargeyska Geeska Afrika helay ayaa sheegaya in Maxamed Cumar Carte ka tanaasulay mawqifkiisa ku saabsan midnimada Somaliland iyo Soomaaliya islamarkaana raacayo qaddiyadda Gooni isu taagga Somaliland.

Socdaalkiisan ayaa ku soo beegmaya iyada Cumar Carte Qaalib oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida ugu magaca weyn uu ku xanuunsanayo magaalada Hargeysa.

Bulshada Somaliland ayaa si weyn baraha bulshada ugu hadal hayay saacadihii la soo dhaafay imaanshaha Maxamed Cumar Carte oo aanay xukuumadda Somaliland wax war ah ka soo saarin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this