Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Dhaqtar oo shaaciyey in Shabaab ay xubno ku yeelan karaan BF

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Idiris Cabdi Dhaqtar oo ka tirsan mudanayaasha golaha shacabka baarlamanka federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana wareysi gaar ah siiyey Shabelle ayaa ka hadlay arrimo ku aadan soo xulista xildhibaanada cusub ee baarlamaanka.

Ugu horreyn xildhibaanka ayaa sheegay in doorasho dadban aysan xilligan faa’iido ugu jirin dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isaga oo shaaca ka qaaday inuu ka mid ahaa xildhibaanadii diiday, markii codka loo qaadayey heshiiska ay doorashada ka gaareen dowladda dhexe, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Dhaqtar ayaa sidoo kale tilmaamay inay suuragal tahay in xubno ay wataan Al-Shabaab ay ku biiraan baarlamaanka soo socda, wuxuuna sabab uga dhigay in dhammaan ergadii soo dooratay baarlamaanka hadda jira & odayaasha dhaqanka loo yeeray, islamarkaana la soo tashkiiliyey, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xildhibaano 80% ay Xarakada Al-Shabaab ku yaalan karto baarlamaanka cusub, haddii aan lala imaan qorshe sax ah oo lagu wajahayo doorashooyinka soo socda ee 2020-ka illaa 2021-ka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo haatan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay isku diyaarineyso qabashada doorashada soo socota oo isugu jirta tan baarlamaanka iyo madaxweynaha, taas oo heshiis rasmi ah looga gaaray magaalada Muqdisho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this