Sign in to follow this  
Deeq A.

Agaasime cusub oo loo magacaabay Isbitaalka Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
isbitaalka.jpg?resize=777%2C437&ssl=1

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan, ayaa xilka qaadis ku sameeyay Agaasimihii Isbitaalka guud ee caasimadda Garoowe Drs. Xabiibo Nuux Ismaaciil.

Wasiirka ayaa xilkaasi u magacaabay Hodon Cali Shire, waxaana uu Agaasimihii hore ku amray in ay xilka wareejiso Sabtida todobaadka soo socda.

Drs Xabiibo, ayaa xilka haysay mudda sannad iyo shan bilood ah, kadib markii loo magacaabay 22-kii May 2019, waxaana lagu xasuustaa in ay isbeddel muuqda oo dhanka horumarinta ah ku samaysay Isbitaalka.

Sidoo kale, mudadii ay xilka haysay waxa meesha ka baxay musuq maasuq badan oo lagu samayn jiray lacagta ay hay’aduhu ku taageeraan isbitaalka Garoowe.

PUNTLAND POST

The post Agaasime cusub oo loo magacaabay Isbitaalka Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this