Sign in to follow this  
Deeq A.

AFRICOM oo ka digtay in ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska AFRICOM ee Mareykanka ayaa ka digay in ciidamada dalkaasi laga saaro gudaha Soomaaliya oo ay ka wadaan howl-gallo ka dhan ah Xarakada Al-Shabab.

Col. Chris Karns oo ah afhayeenka Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa sheegay in weli Al-Shabaab ay halis ku tahay Soomaaliya, loona baahan yahay taageero caalami ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in halista Al-Shabaab ay noqon karto qatar mustaqbalka ku wajahan Mareykanka, sida uu hadalka u dhigay.

Mareykanka oo duqeymo diyaaradeed ka fuliyo Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale dalka ka jooga ciidamo gaaraya ku dhowaad kun askari oo caawiya ciidamada Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo dhowaan madaxweyne Trump shaaciyey inuu doonayo in ciidamada Mareykanka laga soo saaro gudaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this