Sign in to follow this  
Deeq A.

Xiisad dagaal oo ka taagan gobolka Sool iyo wararkii ugu dambeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka aanu ka helayno gobolka Sool, gaar ahaan magaalada Boocame ayaa sheegaya in deegaankaasi ay ka taagan tahay xiisad dagaal oo u dhaxeysa ciidamo kala taabacsan labada maamul ee Somaliland iyo Puntland.

Xiisadan dagaal ayaa sii xoogeysatay saaka markii ay maleeshiyaad hubeysan oo taageersan xukuumadda Somaliland ay sameeyen abaabul ka dhan ah ciidamada Puntland ee ku sugan deegaankaasi.

Maleeshiyaadka taabacsan Somaliland ayaa lagu soo waramayaa in duleedka magaalada Boocame ee gobolka Sool ay ku ururiyeen dhalinyaro iyo hub badan, kuwaasi oo qeyb ka noqonaya dagaal ka dhan ciidamada Puntland, oo dhawaan qorsheynayaan.

Waxaa magaalada Boocame si weyn maanta looga dareemaya xiisada dagaal ee u dhaxeysa ciidamada Puntland iyo kuwa taabacsan Somaliland, sida ay dadka deegaanka u sheegen Caasimada Online.

Mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka Puntalnd oo ku aadan xiisadan kasoo cusboonaaneysa deegaanka Boocame, oo gacan ku haynteeda ay si weyn ugu loolamayaan Somaliland iyo Puntalnd.

Waxayna arrintan kusoo aadeysa xili ay ciidamada Puntland iyo Somaliland ay isku horfadhiyaan deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool, halkaasi oo dhowr jeer oo horena uu dagaal ku dhex-maray labada maamul.

The post Xiisad dagaal oo ka taagan gobolka Sool iyo wararkii ugu dambeeyay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this