Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Galmudug oo laga mamnuucay Fadhiyada Golaha

Recommended Posts

Deeq A.   
1-9.jpg?resize=696%2C689&ssl=1Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Galmudug, Maxamed Nuur Gaca,l ayaa Fadhiyada Golaha ka mamnuucay xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow oo ka tirsan Baarlamanka Galmudug.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Baarlamanka Galmudug Maxamed Nuur Gacal, ayaa lagu sheegay in Xil. Calasow laga mamnuucay Fadhiyada Golaha, islamarkaana laga joojiyay Lacagtii gunnada ahayd laga bilaabo 12-ka October 2020 oo ku beegnayd Isniintii Shalay.

Xildhibaanka ayaa ku eedaysan falal liddi’ ku ah Habsami-u-socodka Fadhiyada Baarlamanka iyo ku jawr-falka wakhtiga Fadhiyada Golaha, sida lagu sheegay Qoraalka ka soo baxay Xafiiska Guddoomiye Maxamed Nuur Gacal.

Sidoo kale, Xildhibaan Cabdullaahi Axmed Calasow ayaa laga dalbaday in uu cudur-daar rasmiya ka bixiyo falalka uu sameeyay ee liddi’ga ku ah Habsami-u-socodka Fadhiyada Golaha Baarlamanka Maamulkaas.

DAAH.jpg?resize=718%2C900&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Galmudug oo laga mamnuucay Fadhiyada Golaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this