Sign in to follow this  
Deeq A.

 Dekeda Boosaaso oo Albaabada loo laabay+Mudaharaad ay Shaqaalaha Dekedu oogeen

Recommended Posts

Deeq A.   

 Dekeda Boosaaso oo Albaabada loo laabay+Mudaharaad ay Shaqaalaha Dekedu oogeen

Dekeda-Bosaso.jpg

Shaqaalaha muruqmaalka ee ka xoogsada Dekeda magaalada Bosaso ayaa sameeyay mudaharaad ay ku dalbanayaan in loo kordhiyo lacagta dejinta iyo rarida ee badeecadaha ka soo dega dekeda Bosaso.

mudaharaadka iyo shaqo joojinta ay sameeyeen Xamaaligu ayaa sababtay in gebi ahaanba uu istaago shaqadii iyo dhaqdhaqaaqii Dekeda Bosaso oo ah isha ugu weyn ee Dakhli ee dowladda Puntland.

Xamaaliga ka Xoogsada dekeda ayaa cabasho ka muujiyay lacagta lage dejiyo/raro badeecadaha ka soo dega dekeda taasi oo ah saddex kun oo shilin (3,000sh) oo la jaangooyay 28 sanno ka hor xiligaas oo $1 Dollar uu ahaa 8000 Shs, Xamaaliga ayaa codsaday in loo kordhiyo lacagta, hase yeeshee waxaa dalbkaas diiday ganacsatada badeecadaha soo dejisa.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Ciidamada ilaalada dekeda Bosaso ay ku xoog ku kala eryeen xamaaliga mudaharaadka, iyagoo adeegsaday budad iyo ulo adeegsaday si ay kula cariyeen mudaharadayaasha.

Toddobaadyadii la soo dhaafay waxaa Puntland ka jiray sicir barar iyo qiimaha sarifka lacagta adag ee dollarka oo kor kacday taasi oo saamaysay dadka danyarta ah ee isticmaalaha shiling Somaliga oo ay ka mid ah yihiin dadka ka xoogsada Dekeda Bosas

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this