Deeq A. Posted October 8, 2020 Ra’iisul wasaarihii hore Soomaaliya Cali Khaliif Galeydh ayaa goordhaweyd ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta maamul degaanka Soomaalida Itoobiya. Cali Khaliif ayaa la sheegay inuu maalmahan kixanuunsanaa magaalada Jigjiga, waxaana geeridiisa xaqiijiyay dad ka tirsan eheladiisa. Cali Khaliif Galeydh, wuxuu soo noqday Ra’iisul wasaare Soomaaliya (2000-2001), Wasiirka Arrimaha Gudaha (1965-1967), Wasiirka Warshadaha (1980-1982) iyo 2014 oo noqday madaxweynihii maamulkii la magacbaxay Khaatumo. Dr. Galeydh oo cilmiga siyaasadda iyo dhaqaalaha ka bartay jaamac ku taalla Mareykanka, ayaa geeriyooday isagoo 79 sano jir ah. PUNTLAND POST The post Dr. Cali Khaliif Galeydh oo geeriyooday appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites