Sign in to follow this  
Deeq A.

<p>Xildhibaannada golaha Guurtida Somalilanda o...

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaannada golaha Guurtida Somalilanda oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa la horkeenaya xeerka doorashooyinka Somaliland iyo diiwaan gelinta codbiyayaasha.

Kulanka ayaa inta uu kulanku socday waxaa ay dood dheer ka yeesheen xeerka, waxaa goobjoog ahaa fadhiga 53 xildhibaan, golaha ayaana ugu danbeyn cod gacan tag ah ku ansixiyey  xeerka doorashooyin.

Xeerkaan oo xukuumaddu ay soo gudbisay ayaa waxaa dhowaan waxaa meel mariyey golaha wakiillada Somaliland, maantana waxaa meel mariyey golaha Guurtida, iyadoo la horgeyndoono madaxweyne Biixi si uu u ansixiyo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this