Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Soomaalida vs Liibiyiinta in Turkiga

Recommended Posts

War la hubo ma'aha, but here it is anyway:

Wararkii u dambeeyey askar Soomaali & Liibiyaan ah oo ku dagaalamay wadanka Turkiga

 Ugu yaraan illaa ’25’ askari oo isugu jira Soomaali iyo Liibiyaan ayaa ku dhintay dagaal gacan hadal ah oo labada dhinac ku dhexmary xero lagu tababarayey oo ku taalla Turkiga, sida ay warisay warbaahinta gudaha ee dalkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in askarkaasi ay ku wada jireen hal xero oo ku taalla magaalada Isparta oo dhacda galbeedka Turkiga, waxaana ay isku adeegsadeen intii uu dagaalku socday Mindiyo iyo waxyaabo kale, sida ay ku warrameyso warbaahinta gudaha.

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii askari ka tirsan ciidamada Liibiya uu midkood Toorey ku dhaawacay askari Soomaaliyeed, taas oo keentay inay ka dhiidhiyeen ciidanka kale ee Soomaalida ee tababarka kula jiray, waxaana sidaas ku billowday dagaalka labada dhinac.

Sidoo kale waxaa jira dhaawacyo ka dhashay dagaalkasi, iyadoona askarta qaarkood la dhigay goobaha caafimaadka si looga daweeyo.

Weli war rasmi ah kama soo bixin dowladda Turkiga oo ku aadan shaqaaqadaasi dhex martay ciidamada ay u tababareyso dalalka Soomaaliya iyo Liibiya.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo iyana ka soo yeeray dhinaca dowladaha Soomaaliya iyo Liibiya ee la xiiriira isku dhacdadaasi.

Si kastaba ha’ahaatee Turkiga ayaa tababaro siiya ciidamada dalalka Soomaaliya, Liibiya iyo Suuriya, kuwaas oo ku jira xeryaha milatariga ee gudaha dalkaasi.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.