Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo Halis Ah Oo Laga Cabsi Qabo Inay Qasaan Doorashada Mareykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Saraakiisha amniga Mareykanka ayaa ka digay suurtagalnimada khatar ka iman karta kooxo qaswadayaal xagjir ah oo ku sugan gudaha Mareykanka, illaa laga gaadhayo xilliga doorashada madaxtinimada Mareykanka ee bisha November.

Saraakiisha ayaa ka digaya xasillooni darro siyaasadeed, bannaanbaxyada rabshadaha wata iyo marin-habaabinta iyo wararka been abuurka ah ee ay dalalka qaar ku hayaan shacabka Mareykanka si ay u saameeyaan doorashada.

Waaxda Amniga Gudaha iyo Hey’adda danbi-baadhista ee FBI ayaa sheegay in ay u badan tahay in ay kordhi doonto khatarta kooxo xagjir maxalli ah ka iman karta laga soo billaabo bisha soo socoto illaa laga gaadhayo maalinta doorashada ee saddexda November.

Bannaabaxyo ka dhacay guud ahaan Mareykanka bili dhawaa oo lagaga soo horjeedday sinnnaan la’aanta dhanka isirka iyo habdhaqanka ciidanka booliska ee dadka madow, ayaa qaarkood noqday kuwo ay rabshado hareeyeen, laakin intooda badani ku dhamaaday si nabad ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this