Sign in to follow this  
Deeq A.

Sacuudi ga oo soo saaray shuruudo cusub oo Cumrada ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Sacuudi ga oo soo saaray shuruudo cusub oo Cumrada ah

 

xajka-1.jpg

Sacuudiga ayaa ku dhawaaqay tallaabooyin cusub oo loogu talo galay gudashada Cumrada, oo la hakiyay muddo lix bilood ah sababo la xiriira xanuunka coronavirus.

Si looga hortago faafitaanka COVID-19, dadka cumreysanaya ayaan taaban doonin Xijrul Aswadka.

Masjidka Xaramka oo ah halka ay Kacbadu ku taallo ayaa maalintii la nadiifin doonaa 10 jeer. Sidoo kale dadka ay ka muuqdaan calaamadaha COVID-19 ayaa loo diyaariyay qolal lagu karantiilo.

Sacuudi Carabiya ayaa toddobaadkii la soo dhaafay ku dhwaaqday in si tartiib tartiib ah loo furi doono Cumrada, wixii loo gaaro bisha soo socota.

Laga bilaabo 4-ta October, dadka u dhashay Sacuudiga iyo ajaanibta deggan ayaa loo oggolaan doonaa gudashada Cumrada, iyadoo maalintii ay keliya Masjidka Xaramka ee Maka ay geli karaan 6,000 oo qof.

Halka 18-ka October, ay Boqortooyadu oggolaan doonto in 15,000 oo xujey ah ay Cumrada ku gutaan Al-Masjid al-Nabawi, ee magaalada Madiina.

Dadka ka imaanaya bannaanka Sacuudiga ayaa loo oggolaan doonaa gudashada Cumrada wixii loo gaaro 1-da November

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this